Wasaaradda Warfaafinta,Boostada Iyo Isgaarsiinta Oo Idaacad Ugu Deeqday Khaatumo State

Wasaaradda Warfaafinta,Boostada iyo Isgaarsiinta Xukuumadda Soomaaliya ayaa maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Khaatumo State ku wareejisay Idaacad taasi oo Wasaaraddu ugu talagashay in ay dhageystaan shacbiga Soomaaliyeed ee ku nool deegaannada uu maamulkaasi ka arimiyo.
Munaasabad maanta xarunta Wasaaradda Warfaafinta gaar ahaan xafiiska Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta,Boostada iyo Isgaarsiinta Xukuumadda Soomaaliya lagu qabtay ayaa Idaacadaasi lagu wareejiyey ayadoo munaasabadana ay kasoo qeybgaleen Wasiirka Warfaafinta,Boostada Iyo Isgaarsiinta,Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada,Hidaha iyo Tacliinta Sarre iyo mas’uuliyiin ka socotay maamul goboleedka Khaatumo State oo uu horkacayey Madaxweynaha Maamulkaasi.
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta,Boostada iyo Isgaarsiinta Xukuumadda Soomaaliya Mudane C/qaadir Xuseen Maxamed Jahweyn oo ugu horeyn munaasbadda ka hadlay ayaa sheegay in talaabadani ay Wasaaraddu maamul goboleedka Khaatumo State ugu wareejineyso Idaacadda(FM) ay ka mid tahay waajibaadka shaqo ee Wasaaradda maadaama lagu gacan qabanayo mid ka mid ah maamullada dalka ka jira islamarkaana siyaasadda Dowladdu ay tahay in la gaarsiiyo dhageysiga Warbaahinta Qaranka.
Wasiirka ayaa dhanka kale tilmaamay in Wasaaraddu qorsheyneyso iney xafiisyo ka furato dhammaanba deegaannada ay gacanta ku hayaan maamul goboleedyada dalka taasina ay qeyb ka tahay waajibaadka shaqo ee Wasaaradda Warfaafinta,Boostada iyo Isgaarsiinta.
Sidoo kale Madaxweynaha maamul goboleedka Khaatumo State Mudane C/nuur Cilmi Qaaje oo munaasabadda ka hadlay ayaa uga mahad celiyey Wasaaradda Warfaafinta,Boostada iyo Isgaarsiinta Idaacadan ay ugu deeqeen waxaana uu tilmaamay in uu rajeynayo iney tani dabooli doonto baahida warbaahineed ee shacabka Khaatumo State.
Dhanka kale Mudane Xuseen Suleymaan (Dhegaweyne) Wasiirka Xiriirka Caalamiga ah iyo Jaaliyadaha maamulka Khaatumo oo isna Munaasabada ka hadlay ayaa tilmaamay in talaabadan ay ka turjumeyso sida Wasaaraddu ugu taagantahay daboolidda baahida shacabka ee dhanka Warbaahinta.
Munaasabadda ayaa guud ahaanba kusoo idlaatay jawigii loogu talagalay balse Wasaaradda Warfaafinta ayaa sidan oo kale idaacado ugu deeqday maamul goboleedyada Puntland iyo Galmudug ayadoo dhammaan qorshaha idaacadaha lagu gudoonsiinayo Maamullada ay yihiin meel marinta Siyaasadda Dowladda ee lagu baahinayo dhageysiga Warbaahinta Qaranka.
There are no comments at the moment, do you want to add one?
Write a comment