Something went wrong with the connection!

Somaale.com

Wasiir: Yusuf Garaad Mahadcelin iga guddooma walaalaha Soomaaliyeed ee faraha badan ee fool-ka-fool, telefoon, SMS

Wasiir: Yusuf Garaad Mahadcelin iga guddooma walaalaha Soomaaliyeed ee faraha badan ee fool-ka-fool, telefoon, SMS

Wasiir: Yusuf Garaad Mahadcelin iga guddooma walaalaha Soomaaliyeed ee faraha badan ee fool-ka-fool, telefoon, SMS
March 30
12:24 2017

Mahadcelin iga guddooma walaalaha Soomaaliyeed ee faraha badan ee fool-ka-fool, telefoon, SMS, email, messenger, saxaafadda bulshada iyo qalabka warbaahinta iigu soo hambalyeeysay iiguna duceysay in Rabbi igu guuleeyo Xilka Wasiir ee shalay la ii dhaariyay. Waxaan ka cudur daaranayaa inta aan fursad u waayay in aan u jawaabo.

Waxaan u mahadcelinayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee soo dhoweeyay dhismaha Xukuumadda iyo inta ku talisay, u doodday iyo inta ku dhiirri gelisay Baarlamaanku in uu ansixiyo.

Waxaa dareenkeyga taabtay koox haween u badan oo shalay calammo iyo halkudhigyo taageeraya Xukuumadda la hor taagnaa Baarlamaanka iyaga oo cadceed aad u kulul u adkeysanaya saacado badan.

Tan iyo maalintii la ii magacaabay Xilka waxaa igu sii xoogeysanaya fahamkeyga ah in Shacabka Soomaaliyeed uu qabo niyad wanaag iyo rajo ilaa uu arko ama uu tuhmo wax sidaa weydaaran.

Waxaan ballanqaadayaa in aniga oo xusuusan dhaarta aan shalay ku maray Kitaabka Jaamaca ah aan si Soomaalinnimo ah oo daacadnimo ku saleysan aan ugu adeego dadka iyo dalka Soomaaliyeed.

Share

About Author

Idaawaqaca

Idaawaqaca

Related Articles

SOMALI CARTOON BY AMIINARTS

SOMALI RADIO STATIONS

--------------------------BBC SOMALI--------------------------

BBC-Somali 07:00 BBC Somali 11:00

BBC Somali 04:00  BBC-Somali 06:00

--------------------------VOA SOMALI--------------------------

VOA-Subaxnimo

VOA-Galabnimo

VOA-Fiidnimo

Mogadishu

Hargaisa

SPEAK TO SOMALI CONFLICT