Warning: session_start(): open(/opt/alt/php73/var/lib/php/session/sess_4bd047c80eececc6cd25bdba4553d727, O_RDWR) failed: Disk quota exceeded (122) in /home/vsabba/public_html/somaale.com/wp-content/themes/News/functions/filters.php on line 5

Warning: session_start(): Failed to read session data: files (path: /opt/alt/php73/var/lib/php/session) in /home/vsabba/public_html/somaale.com/wp-content/themes/News/functions/filters.php on line 5
Wasiirada Arrimaha Dibada IGAD oo war murtiyeed ka soo saaray shir ay ku yeesheen Addis Ababa | Somaale.com
Something went wrong with the connection!

Somaale.com

Wasiirada Arrimaha Dibada IGAD oo war murtiyeed ka soo saaray shir ay ku yeesheen Addis Ababa

Wasiirada Arrimaha Dibada IGAD oo war murtiyeed ka soo saaray shir ay ku yeesheen Addis Ababa

May 24
13:25 2013

IGAD

Wasiirada Arrimaha dibada IGAD oo kulan horu dhac u ah kan Madaxweynayaasha ku yeeshay Addis Ababa ayaa war murtiyeed qodobo badan ka kooban ka soo saaray, iyagoo uga hadlay arrinta Kismaayo.

Kulanka Wasiirada Arrimaha dibada IGAD ayaa waxyaabaha looga hadlay la horgeynayaa shirka Madaxweynayaasha oo hada ka socda Addis Ababa, kaasoo lagu ayidi doono qodobada ay isla gaareen Wasiirada Arrimada dibada IGAD.

War murtiyeedka Wasiirada arrimaha dibada IGAD ayaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya ay hogaamiso shirweyne dib u heshiisiin oo ay isugu yimaadaan bulshada ku dhaqan Jubooyinka iyo Gedo, waxaana shirkan laga soo saari doona Road Map- lagu dhisayo maamul KMG ah oo laga hirgeliyo Jubooyinka.

Sidoo kale IGAD ayaa sheegtay in dowladda Soomaaliya looga dambeeynayo barnaamijka maamul u sameynta, iyagoo si cad u sheegay in shirkii Kismaayo ee lagu soo dhisay maamul goboleedyada uu ahaa mid sharci daro oo aan waafaqsaneyn dastuurka dalka.

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka ahna wasiirka Arrimaha dibada Soomaaliya Fowziyo Yuusuf Aadan ayaa sheegtay in IGAD ay u gudbiyeen soo jeedin ku saabsan in dowladda Soomaaliya gacan lagu siiyo shir lagu qabanayo Muqdisho oo lagu heshiisiinayo dhinacyada isku haya Kismaayo, isla markaana ay ku raacday.

Fowziyo Yuusuf ayaa xustay in dowladda Soomaaliya looga dambeynayo maamul u sameynta gobolada, isla markaana jaanis la siiyo howlaha ku xaliso dastuurka, waxaana ay intaa ku dartay in qodobo badan ka soo baxay shirka, ayna aad ugu faraxsan yihiin in soo jeedinta dowladda lagu taageeray.

“In marka hore la raaco jidkii lagu gaari lahaa mamaul, dowladda madax ka ahaato howsha socodsiinta, IGAD ay noqoto taageero joogto ah, in dhamaadn dadkaas shir Muqdisho la isugu keeno, lagana heshiisiiyo wixii jira”ayay tiri Fowziyo Yuusuf oo intaa ku dartay inay hada jiraan ilaa lix Madaxweyne oo isku haya Jubooyinka sida ay hadalka u dhigtay.

Dowladda Soomaaliya ayaa aad ugu dadaaleysay in loogu madax banaaneeyo maamul u sameynta gobolada dalka, isla markaana IGAD ay noqoto taageero kaliya, isla markaana ixtiraanto Dastuurka, waxaana galaan-galkaas uu u muuqdaa mid u hirgeliyay is jiid-jiid badan.


Warning: count(): Parameter must be an array or an object that implements Countable in /home/vsabba/public_html/somaale.com/wp-content/themes/News/includes/single/post-tags.php on line 5
Share

About Author

admin

admin

Related Articles

SOMALI CARTOON BY AMIINARTS

SOMALI RADIO STATIONS

--------------------------BBC SOMALI--------------------------

BBC-Somali 07:00 BBC Somali 11:00

BBC Somali 04:00  BBC-Somali 06:00

--------------------------VOA SOMALI--------------------------

VOA-Subaxnimo

VOA-Galabnimo

VOA-Fiidnimo

Mogadishu

Hargaisa

SPEAK TO SOMALI CONFLICT