Something went wrong with the connection!

Somaale.com

Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka'ayaa dalka Turkey ayaa maanta magaalada Ankara kulan kula qaatay dhiggiisa dalkaas Muammer Güler.

Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka'ayaa dalka Turkey ayaa maanta magaalada Ankara kulan kula qaatay dhiggiisa dalkaas Muammer Güler.

July 10
16:23 2013

Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka ee xukuumadda Soomaaliya Cabdikariim Xuseen Guuleed oo ku sugan dalka Turkey ayaa maanta magaalada Ankara kulan kula qaatay dhiggiisa dalkaas Muammer Güler.

Yuusuf Axmed Xasan (Jeego) oo ka tirsan mas’uuliyiinta safaaradda Soomaalida ee dalka Turkey ayaa Bar-kulan u sheegay in labada wasiir ay ka wada hadleen xiriirka labada dal iyo adkeynta wada-hadallada u dhexeeya dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Soomaaliland.

Yuusuf Jeego ayaa tilmaamay in wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya uu dib ugu laabtay magaalada Istanbul, halkaasoo uu kula kulmi doono mas’uuliyiin ka tirsan xukuumadda Turkey.

Waxaa kale oo uu sheegay in wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya ay garoonka Ankara kuwada kulmeen wasiirka waxbarashada Turkey, iyagoo kawada hadlay xaaladda ardayda Soomaalida ah ee wax ku barata dalkaas iyo sidii loo sii horumarin lahaa waxbarashada Soomaaliya.

Share

About Author

Idaawaqaca

Idaawaqaca

Related Articles

SOMALI CARTOON BY AMIINARTS

SOMALI RADIO STATIONS

--------------------------BBC SOMALI--------------------------

BBC-Somali 07:00 BBC Somali 11:00

BBC Somali 04:00  BBC-Somali 06:00

--------------------------VOA SOMALI--------------------------

VOA-Subaxnimo

VOA-Galabnimo

VOA-Fiidnimo

Mogadishu

Hargaisa

SPEAK TO SOMALI CONFLICT