Something went wrong with the connection!

Somaale.com

Wasiirka Gaashaandhiga mudane Cabdi Xakiin Xaaji Fiqi"Waxaan Fursad U Siindoona Dhalinyarada Ka Baxday Jaamacadaha In Ay Ka Mid Noqdaan Ciidamada XDS"

Wasiirka Gaashaandhiga mudane Cabdi Xakiin Xaaji Fiqi"Waxaan Fursad U Siindoona Dhalinyarada Ka Baxday Jaamacadaha In Ay Ka Mid Noqdaan Ciidamada XDS"

January 21
02:28 2013

fiqi

Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa shaacisay in qorshaha dib u dhiska Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliya ee dhowaan lagu ansixiyey shirkii Ankara fursadda ugu weyn ee ka mid noqoshada Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed la siin doono Ardayda ka qalin jebisay jaamacadaha dalka gudihiisa iyo dibaddiisa ku kala yaala.

Wasiirka Gaashaandhiga mudane Cabdi Xakiin Xaaji Fiqi oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in qorshaha dib loogu dhisayo ciidamada mudnaanta lagu siindoono in ciidamada lagu biiriyo dhalinyarada Soomaaliyeed ee ka baxday dugsiyada Sare iyo Jaamacadaha, isagoo intaa ku daray in heshiiskii uu la galay Turkiga uu ka mid ahaa in dhalinyaradaasi lagu soo tababaro dalka Turkiga.

Sidoo kale Wasiirka ayaa hoosta ka xariiqay in dhalinyaradaasi ay ka mid noqondoonaan ciidamada XDS isla markaana dalka Turkiga loogu soo tababaridoono sarkaalnimo,  halka ciidamada kale lagu tababaridoono gudaha dalka.

Arrintan ayaa qeyb ka ah dadaalka ay wasaaradda Gaashaandhigga ku horumarineyso ciidamada taas oo sare u qaadeysa dib usoo nooleynta tayadii ciidamada iyo sharaftii ay ku dhex lahaayeen bulshada Soomaaliyeed.

 

Share

About Author

admin

admin

Related Articles

SOMALI CARTOON BY AMIINARTS

SOMALI RADIO STATIONS

--------------------------BBC SOMALI--------------------------

BBC-Somali 07:00 BBC Somali 11:00

BBC Somali 04:00  BBC-Somali 06:00

--------------------------VOA SOMALI--------------------------

VOA-Subaxnimo

VOA-Galabnimo

VOA-Fiidnimo

Mogadishu

Hargaisa

SPEAK TO SOMALI CONFLICT