Something went wrong with the connection!

Somaale.com

Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi oo safaro shaqo ugu ambabaxay Kenya iyo Uganda

Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi oo safaro shaqo ugu ambabaxay Kenya iyo Uganda

December 23
08:51 2012

abdixakin-2

Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi ayaa maanta isaga iyo Saraakiil ka tirsan Ciidamada xooga dalka waxay u ambabaxeen dalalka Kenya iyo Uganda oo ay Ciidamo ka joogaan Soomaaliya.

Sida ay sheegayaan wararka Wasiirka gaashaandhiga Soomaaliya C/xakiin Fiqi ayaa maanta kula kulmi doona magaalada Nairobi ee dalka Kenya Wasiirka Gaashaandhiga Kenya Yusuf Xaaji, iyagoo ka wada hadli doona sidii loo xoojin lahaa iskaashiga xaga amaanka iyo dagaalka ka dhan ah Al-Shabaab.

“Safarkeyga waxaa ugu muhiimsan inaan wasiirada gaashaandhiga kenya iyo Uganda aan kala soo hadlo sidii loo ambaqaadi lahaa is bedelka cusub ee laga sameynayo Soomaaliya, gaar ahaan ammaanka, Al-shabaab iyo Al-qaacida laga saaro guud ahaan dalka”ayuu yiri Wasiirka gaashaandhiga

Wasiirka ayaa sidoo kale la filayaa inuu Kenya uga sii gudbo dalka Uganda, si uu halkaas kula soo kulmo dhigiisa Uganda Crispus Kyonga, waxaana uu si gaar ah uu kala hadli doona howl galada ciidamada AMISOM iyo xoojinta ammaanka.

Booqashadan ayaa noqoneysa tii u horeysay ee uu Wasiirka ku aado dalalka Kenya iyo Uganda, tan iyo markii xilkaas loo magacaabay, iyadoo ay ku soo aadeyso xilli mudooyinkii u dambeeyay uu kormeero ku tagayay deegaanada laga saaray Shabaab ee gobolada dalka.


Warning: count(): Parameter must be an array or an object that implements Countable in /home/vsabba/public_html/somaale.com/wp-content/themes/News/includes/single/post-tags.php on line 5
Share

About Author

admin

admin

Related Articles

SOMALI CARTOON BY AMIINARTS

SOMALI RADIO STATIONS

--------------------------BBC SOMALI--------------------------

BBC-Somali 07:00 BBC Somali 11:00

BBC Somali 04:00  BBC-Somali 06:00

--------------------------VOA SOMALI--------------------------

VOA-Subaxnimo

VOA-Galabnimo

VOA-Fiidnimo

Mogadishu

Hargaisa

SPEAK TO SOMALI CONFLICT