Something went wrong with the connection!

Somaale.com

Westgate Nairobi Kenya oo la bililqeystay intii uu socday howl galka ganacsatada suuqa askarta

Westgate Nairobi Kenya oo la bililqeystay intii uu socday howl galka ganacsatada suuqa askarta

September 30
07:00 2013

Ganacsatada Suuqa Westgate ee magaalada Nairobi ayaa sheegay in la bililaqeystay Hantidooda ku jirtay suuqaas intii uu socday howl galkii qaatay afarta maalmood ee ka socday dhismahaas, markii todobaadki hore ay gudaha u galeen dabley Hubeysan.

Dukaamadii ganacsiga ee Westgate ayaa la arkay iyagoo la jabsaday, lagana bililaqeystay agabyadii ku jiray, markii Ganacsatada ay tageen suuqaas.

Wargeysyada ka soo baxa magaalada Nairobi ayaa soo bandhigay dukaamada ka bad baaday bur burka dhismaha Westgate oo laga qaaday dhamaan wixii agab ahaa, waxaana ku jiray dukaan lagu iibiyo dahabka iyo dheymanka.

Haweeney u dhalatay Asia ayaa lagu arkay Westgate, iyadoo barooraneysa, isla markaana sheegeysa in wax hanti ah aysan heysan, isla markaana seygeeda uu ku dhintay howl galkaas.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in baaritaano ku socdaan saraakiisha ciidamada Kenya ee ka qeyb qaatay howl galkii Westgate, iyadoo uu jiro tuhun la xiriira in hantidaas la qaatay xilligii uu howl galka socday.

Gudiga difaaca iyo Amniga Baarlamaanka ayaa lagu wadaa in goor dhow ay booqdaan Westgate, halkaasoo uu wali ka socdo baaritaanada la xiriira weerarkii 21-kii bishan ay ku qaadeen dabley hubeysan oo ka tirsan Shabaab.

Si kastaba ha ahaatee dowladda Kenya ayaan ka soo bixin wax war ah oo ku saabsan inay magdhaw siineyso dadkii ku hanti beelay Suuqa Westgate ee hantidooda ugu bur burtay, qaarna la bililaqeystay. somaale.com

Share

About Author

admin

admin

Related Articles

SOMALI CARTOON BY AMIINARTS

SOMALI RADIO STATIONS

--------------------------BBC SOMALI--------------------------

BBC-Somali 07:00 BBC Somali 11:00

BBC Somali 04:00  BBC-Somali 06:00

--------------------------VOA SOMALI--------------------------

VOA-Subaxnimo

VOA-Galabnimo

VOA-Fiidnimo

Mogadishu

Hargaisa

SPEAK TO SOMALI CONFLICT