Something went wrong with the connection!

Somaale.com

Xaaladda nolasha ee Ceelbuur oo laga deyrinayo

Xaaladda nolasha ee Ceelbuur oo laga deyrinayo

March 28
07:49 2014

Guddoomiye ku-xigeenka maamulka dowladda Soomaaliya ee gobolka Galgaduud, Cabdixakiim Cabdullaahi Warsame (Dhagaweyne) ayaa sheegay in dadka ku nool degmada Ceel-buur iyo deegaannada ku dhow-dhow ee laga saaray kooxda Al-Shabaab aysan haysan adeegyada lagama maarmaanka u ah nolosha aadanaha.

Cabdixakiim oo wareysi siiyay Barkulan ayaa tilmaamay in dadku aysan haysan Biyo, cunto, caafimaad iyo koronto kadib markii kooxda Shabaab ay horey u qaateen matoorradii biyaha iyo korontada.

Gudoomiye ku-xigeenka ayaa ka codsaday dowladda federalka ah ee Soomaaliya, hay’adaha gargaarka ee caalamiga ah, kuwa waddaniga ah, qurbejoogta iyo ganacsatada Soomaaliyeedba inay usoo gurmadaan dadweynaha kunool deegaannada laga saaray Al-shabaab ee gobolk Galguduud.

Magaalada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud ayaa dhawaan laga saaray kooxda Al-Shabaab oo maamuleysay sanadihii ugu dambeeyay.DCIM100MEDIA

Share

About Author

Idaawaqaca

Idaawaqaca

Related Articles

SOMALI CARTOON BY AMIINARTS

SOMALI RADIO STATIONS

--------------------------BBC SOMALI--------------------------

BBC-Somali 07:00 BBC Somali 11:00

BBC Somali 04:00  BBC-Somali 06:00

--------------------------VOA SOMALI--------------------------

VOA-Subaxnimo

VOA-Galabnimo

VOA-Fiidnimo

Mogadishu

Hargaisa

SPEAK TO SOMALI CONFLICT