Something went wrong with the connection!

Somaale.com

Xagee Ku Danbeeyay Sheekh Xasan Daahir Aweys

Xagee Ku Danbeeyay Sheekh Xasan Daahir Aweys

June 25
07:25 2013

Sheekh Xasan Daahir Aweys oo ka mid ah hor-joogayaasha sare ee kooxda al-Shabaab ayaa u baxsaday deegaan xeebeed lagu magacaabo Xundulle oo 18 km dhinaca bari kaga beegan magaalada Xarardheere ee gobolka Mudug, sida uu ku soo warramayo weriyaha Bar-kulan ee gobollada dhexe, Cabdi Jamaal Macallin Axmed.

Sheekh Xasan ayaa la sheegay inuu si qarsoodi ah uga baxay degmada Baraawe ee gobolka Shabeellaha Hoose oo muddooyinkii ugu dambeeyay uu deggenaa, iyadoo baxsashadiisa loo aaneynayo khilaaf ba’an oo soo kala dhex galay isaga iyo hor-joogaha ugu weyn kooxda al-Shabaab, Axmed Cabdi Godane.

Garabka al-Shabaab ee daacadda u ah Axmed Cabdi Godane ayaa dhowaan bogga uu ku leeyahay Twitter wuxuu ku soo daabacay bayaan ka kooban 18 bog oo si adag loogu dhaleeceynayo garabka fallaagoobay ee ay xubnaha ka yihiin Sheekh Mukhtaar Roobow, Ibraahim al-Afghani, Omar Hammami, Sheekh Xasan Daahir Aweys iyo hor-joogayaal kale.

Bayaanka ayaa lagu sheegay in kooxda Xasan Daahir Aweys uu ku jiro ay burburineyso midnimada al-Shabaab, waxyeellana ay ku hayso sawirka Jihaadka.

Garabka Xasan Daahir Aweys ayaa isna cambaareyn kulul warbaahinta u mariyay garabka Axmed Cabdi Godane.

Lama oga halka uu saldhigan doono khilaafka soo kala dhex galay al-Shabaab.


Warning: count(): Parameter must be an array or an object that implements Countable in /home/vsabba/public_html/somaale.com/wp-content/themes/News/includes/single/post-tags.php on line 5
Share

About Author

Idaawaqaca

Idaawaqaca

Related Articles

SOMALI CARTOON BY AMIINARTS

SOMALI RADIO STATIONS

--------------------------BBC SOMALI--------------------------

BBC-Somali 07:00 BBC Somali 11:00

BBC Somali 04:00  BBC-Somali 06:00

--------------------------VOA SOMALI--------------------------

VOA-Subaxnimo

VOA-Galabnimo

VOA-Fiidnimo

Mogadishu

Hargaisa

SPEAK TO SOMALI CONFLICT