Something went wrong with the connection!

Somaale.com

Xamar Lagaama Xigo (Inqaasta Yusuf-Garaad) – QEYBTA LABAAD

Xamar Lagaama Xigo (Inqaasta Yusuf-Garaad) – QEYBTA LABAAD

February 27
21:19 2014

Yaa Muqdisho gaarsiiyay horumarka aan ku soo sheegnay Qeybta Koowaad ee Qormadan?
Jawaabtu waa sahal. Soomaali oo dhan ayaa kalsoonidooda, maalkooda, maskaxdooda iyo muruqooda geliyay. Waxay ka dhigteen raasamaalka mustaqbalkooda. Daaraha ugu dhaadheer waxaa kala lahaa Cabdullaahi Omaar iyo Jirde Xuseen. Hoteellada ugu caansan waxay ahaayeen Guuleed oo uu lahaa Gurguurte, Hotel Weheliye oo uu lahaa Xaashi Weheliye, Maka oo uu lahaa Cali Mahdi, Towqiiq oo uu lahaa Xaaji Yusuf, Lafweyn oo uu lahaa Xaaji Daauud, Hotel Florence iyo Indian Ocean oo uu lahaa Xoosh, oo afkeennu waa isku amaane loo qariyo Xoosh-Kibray.

Daaraha laga dukaameysto ee caanka ah waxaa ka mid ahaa daartii Xaaji Ibraahim Uunlaaye ee Café Nazionale iyo Carwada Itko oo ay lahaayeen ilmo iidle oo ku taallay meel u dhexeysa Laba-Dhagax iyo Baar Ubax.

Makhaayadaha laga daba dhacay waxaa ka mid ahaa Jezeera oo uu lahaa Maxamed Jaamac Xarbi, Capuceto Nero oo uu lahaa Cali Maxamud, Xaraf, Baar Wardheer oo uu lahaa Maxamed Cali Dhorre Cagaweyne, Baar Ismaaciil, Mubaarak oo uu lahaa Maaryaa, Jungle, Ming Sing, Maajoor, Abu Kheyr, Baar Liido iyo qaar kale.

Soomaalidu in ay magaalada wada leedahay waxyaabaha muujinaya waxaa ka mid ah, magacyada xaafadaha qaarkood. Xaafadda Buulo Eelaay ayaa magaalada ka mid ah. Kax Shiiqaaleed ayaa jirta. Iyo qaar markii dambe soo shaac baxay sida jiiro Wacbuudhan.

Xataa qowmiyado kale raadkood ayaa ka muuqda magaalada oo muujinaya in dhismaheeda iyo horumarkeeda ay gacan ka geysteen. Ceel Hindi, Buur Hindi, Kaambo Amxaaro iyo Bilaajo Carab ayaa intuba ka mid ah xaafadaha Muqdisho. Inkasta oo saddexda jaaliyadood ee Hindida, Amxaarada iyo Carabta ay saddexduba ku milmeen Soomaalida, haystaanna dhalashada Soomaalida. Haba ugu badato Jaaliyadda Carabta oo dhinac walba oo horumarka dalka ah ka qeyb qaadatay xagga fanka, xag ciidan, xag ganacsi, xag waxbarasho, xag wax soo saarka tacabka beeraha, xag diblomaasi iyo xagga siyaasadda hoggaanka dalka.

Markii aan ardeyga ka ahaa Dugsiga Dhexe ee Maxamuud Xarbi, waxaa fasalkeyga booqasho waxbarasho loo geeyay Matxafka Qaranka. Waxyaabaha aan ku soo arkay waxaa ka mid ahaa sariirtii Siciid-Barqash, oo u dhashay Cummaan, uu ku seexan jiray markii uu Muqdisho ka talinayay.

Waxay ahayd sannadkii 1948 markii Soomaali ka timid waxa loo yaqaan shanta Gobol ee Soomaaliyeed ay shir ku yeesheen Muqdisho oo ay kula kulmeen beesha caalamka si looga arrinsado, xilliga ay Gobannimo qaadaneyso Soomaaliya iyo dowladda gaarsiin doonta. Hey’adda hadda loo yaqaan Qaramada Midoobay waxay markaas jirtay 3 sano.

Ilaa berigaas, Soomaali shaki kama gelin caasimaddeedu magaalada ay tahay, kumana caasin. Muqdisho iyaduna dhankeeda ma gabin Soomaalidii hoyga ka dhigatay. Shanta Soomaaliyeed midduu doono ha ka soo jeedo, qofka Soomaaliga ah ee Muqdisho yimaada cid dhulka u sheegan jirtay ma jirin. Cid ku qabyaaladeyn kartayna haba sheegin. Marnaba ma ahayn qof reer u marti ah.

Dhibtu kama horreyn dagaalka sokeeye kuleylkiisu markuu soo gaaray Muqdisho 1989 ee ay billaabatay in dad guryaha lagala baxo, in subaxii lagu soo tooso meyd dariiqa yaalla, in baabuurta la dhaco, in laga wardoono dowlad la’aani waxa ay tahay.

Qormada Saddexaad ee taxanaha “Xamar Lagaama Xigo”, waxaan ku eegi doonaa, Muqdishada Maanta

.532494_10151716102073384_2019449544_n

Share

About Author

Idaawaqaca

Idaawaqaca

Related Articles

SOMALI CARTOON BY AMIINARTS

SOMALI RADIO STATIONS

--------------------------BBC SOMALI--------------------------

BBC-Somali 07:00 BBC Somali 11:00

BBC Somali 04:00  BBC-Somali 06:00

--------------------------VOA SOMALI--------------------------

VOA-Subaxnimo

VOA-Galabnimo

VOA-Fiidnimo

Mogadishu

Hargaisa

SPEAK TO SOMALI CONFLICT