Something went wrong with the connection!

Somaale.com

Xildhibaano ka tirsan Baaarlamaanka soomaaliya oo ku hanjabay inay weerarayaan Ra’iisul wasaare C/wali Gaas

Xildhibaano ka tirsan Baaarlamaanka soomaaliya oo ku hanjabay inay weerarayaan Ra’iisul wasaare C/wali Gaas

Xildhibaano ka tirsan Baaarlamaanka soomaaliya oo ku hanjabay inay weerarayaan Ra’iisul wasaare C/wali Gaas
April 17
08:09 2012

Xildhibaano ka tirsan barlamanka KMG Soomaaliya ayaa ku hanjabay inay weerari doonaan Xafiiska Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda KMG Soomaaliya haddii aan la sii deyn qaar ka mid ah illaalada Xafiiska Ra’iisul wasaare Gaaso oo Xabsiga loo taxaabay.

Xildhibaanadaani ka tirsan barlamanka KMG Soomaaliya, kana soo jeeda gobolka Gedo oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa si kulul waxa ay u weerareen Ra’iisul wasaare Gaas oo ay ku eedeeyeen in si naceb uu ku jiro uu Xabsiga u dhigay 3-ruux oo mid ka mid ah ay tahay Haweenay kuwaasi oo la sheegay inay ka howlgalayeen Xafiiska Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

C/laahi Cabdulle Magacan Boot oo ka mid ah Xildhibaanadaasi ayaa waxa uu sheegay in aan la aqbali karin in Ra’iisul wasaaraha uu iska xir xirto dad aan waxba kala socon qaraxii Ismiidaaminta ahaa ee muranka badan dhaliyay ee ka dhacay Xarunta golaha shacabka ee Magaalada Muqdisho.

“ Nimanka la xiray Xafiiska Ra’iisul wasaaraha laga qabtay oo u dhashay beesha Mareexaan, nimankaa si qabiili ah oo u jeeddo gaar ah ayaa loo qabtay, ma’ahan niman sharci lagu qabtay, niman dambi lagu hayo mahan, Walaahi baan ku dhaartay oo bilaahi baan ku dhaartay haddaan si deg deg ah loo siideyn Tii ka dhacdaa mid Soomaali fajicisu ku noqoto ayay noqonaysaa, Cabdi Wali iyo Faroole waxay sameeyeen horey baan u ogeen, oo aan u dul qaadanaynay, mana u dulqaadanayno mar dambe, sida gaarka ah oo ay u taarged gareynayaan Qabiilka Mareexaanka la yiraahdo oo aan ka aamusannahay, haddii aysan sii deyn C/wali iyo reerkuu ku dhashay waan weerarayaa” sidaasi waxa yiri Xildhibaan C/laahi Magan Boot.

Sidoo kale Xildhibaan Max’ud Max’ed oo ka mid ah barlamanka ayaa waxa uu sheegay in dadka loo qabtay qabtay qaraxaasi ee laga waday Xafiiska Ra’iisul wasaaraha ay si sharci daro ah ku xiran yihiin islamarkaana aan wali la horkeenin cadaaladda.

Maalmo ka hor ayaa la sheegay in Ciidamo ka tirsan Nabad sugidda ay Xafiiska Ra’iisul wasaaraha ka qab qabteen qaar ka mid ah illaaladiisa oo lagu tuhunsan yahay sida la sheegay inay fududeeyeen qaraxaasi.

Share

About Author

Idaawaqaca

Idaawaqaca

Related Articles

0 Comments

No Comments Yet!

There are no comments at the moment, do you want to add one?

Write a comment

Write a Comment

SOMALI CARTOON BY AMIINARTS

SOMALI RADIO STATIONS

--------------------------BBC SOMALI--------------------------

BBC-Somali 07:00 BBC Somali 11:00

BBC Somali 04:00  BBC-Somali 06:00

--------------------------VOA SOMALI--------------------------

VOA-Subaxnimo

VOA-Galabnimo

VOA-Fiidnimo

Mogadishu

Hargaisa

SPEAK TO SOMALI CONFLICT