Xildhibaano ka tirsan barlamaanka KMG Soomaaliya oo kasoo jeeda Maamulka Khaatuma. oo codsaday Faragalin

Xildhibaan Xaaji Cabdi Max’ed Cali oo la hadlay warbahinta ayaa waxa uu sheegay in Maamulka Somaliland uu dhibaato ballaaran ku hayo dadka rayidka ah ee ku nool goboladaasi, isagoo sheegay in Mas’uuliyiinta dowladda KMG ah looga baahanyahay inay garab istaagaan dadkaasi maadaama uu xusay inay ka shaqeeyaan sidii calanka Jamhuuriyadda looga taagi lahaa goboladaasi.
Isagoo hadalkiisa wata Xildhibaanka ayaa waxa uu ugu baaqay dadka shacabka ah ee degan gobolada SSC inay sii wadaan dibadbaxyada iyo dagaalada ka dhanka ah Maamulka Somaliland islamarkaana ay u istagaan sidii ay u sameysan lahaayeen Maamul hoostaga dowladda KMG ah.
Gobolada SSC ayaa tan iyo markii looga dhawaaqay Maamul ka madaxbanaan Mamaulada Puntland iyo Somaliland waxaa jiray xiisado iyo dagaal halkaasi ka dhacayay kaasi oo u dhaxeeyay Ciidamada Maamulka Somaliland oo ka biyo diidan in Maamul aan aheyn mid Somaliland uu ka shaqeeyo goboladaasi iyo Maleeshiyad difaacaya Maamul dhawaan halkaasi looga dhawaaqay.
There are no comments at the moment, do you want to add one?
Write a comment