Something went wrong with the connection!

Somaale.com

Xubno ka mid noqonaya Aqalka Sare oo maanta Muqdisho lagu doortay

Xubno ka mid noqonaya Aqalka Sare oo maanta Muqdisho lagu doortay

Xubno ka mid noqonaya Aqalka Sare oo maanta Muqdisho lagu doortay
January 16
15:08 2017

Doorashada Aqalka Sare ee Gobollada Waqooyi oo maanta ka dhacday Magaalada Muqdisho ayaa lagu doortay 3 Kursi oo ka mid noqonaya xubnaha Aqalkaasi.

Waxaana kursiga 1aad ku tartamay Musharrax Ayuub Ismaaciil Yuusuf , Xuseen Ceelaabe Faahiye , Axmed Cabdi Faahiye ( Farxaan Xidig) iyo Maxamed Aadan Waaberi.

Iyadoona uu ku guuleystay Ayuub Ismaaciil Yuusuf oo helay 39 cod .

Kursiga 2aad ayaa waxaa ku tartamay Musharrixiiinta ay ka midka yihiin Cumar Maxamed Aadan Qaadi, Nuuro Faarax Jaamac  iyo Caasho Axmed Cabdalla.

Waxaana ku guuleystay Nuuro Faarax Jaamac oo heshay 38 Cod.

Sidoo kale Kursiga 3aad oo ay ku loolamayeen Hablo kaliya ayna ka mid ahaayeen Musharraxiinta isku soo taagay Hodan Abuukar Xasan , Deeqo Xasan Xuseen iyo Amran Cilmi Fariid ayaa waxaa ka soo baxay Deeqo Xasan Xuseen oo heshay 24 cod.

Doorashada Xubnaha Aqalka Sare ee Gobollada Wqooyi ee ka soconeyso Magaalada Muqdisho ayaa illaa iyo haatan waxaa la doortay 9 Xubnood waxaana harsan 2 xubnood kale oo Guddiga Doorashooyinka sheegeen in dhawaan la dooran doono.

Share

About Author

Idaawaqaca

Idaawaqaca

Related Articles

SOMALI CARTOON BY AMIINARTS

SOMALI RADIO STATIONS

--------------------------BBC SOMALI--------------------------

BBC-Somali 07:00 BBC Somali 11:00

BBC Somali 04:00  BBC-Somali 06:00

--------------------------VOA SOMALI--------------------------

VOA-Subaxnimo

VOA-Galabnimo

VOA-Fiidnimo

Mogadishu

Hargaisa

SPEAK TO SOMALI CONFLICT