Something went wrong with the connection!

Somaale.com

Xulka Soomaaliya oo Laga Saaray Cayaaraha Afrika

Xulka Soomaaliya oo Laga Saaray Cayaaraha Afrika

October 10
12:19 2012

Xulka Kubbadda cagta Soomaaliya ee da’doodu ka yar tahay 17 ayaa laga reebay tartanka ciyaaraha xulalka qaaradda Afrika, iyadoo sidoo kalena laga qaaday saddex dhibcood oo ay ka heleen ciyaar ay ka baddiyeen xulka dalka Sudan.

Go’aankan ayaa yimid kaddib markii xiriirka ciyaaraha Africa ee marka la soo gaabiyo loo yaqaano CAF uu sheegay in xiriirka kubbada cagta Soomaaliya uu ku guul-dareystay fulinta shuruuddo dhigaya in ciyaartoyda Soomaalida la mariyo  baadhitaan raajo ah ee qalabka MRI si loo ogaado  da’da ciyaartooyda Soomaaliyeed ee ka yar 17-ka

Xiriirka CAF wuxuu sheegay in xulka Soomaaliya laga reebay tartanka, isla markaana xulka Sudan oo Soomaaliya ay horey uga baddisay loo ogolaaday in ay qaataan dhibcihii ciyaartaasi dib ugu noqdaan ciyaaraha iyagoo u gudbaya wareega labaad lana ciyaari doona dalka Algeria ciyaar dhici doonta bishan October.

Cabdiqanid Siciid Carab, XGXSKC, ayaa sheegay in dhibaatadda ka jirta Soomaaliya aawadeed ay awoodi waayeen inay baadhitaankaasi raajada saaraan ciyaartoyda Soomaalida, wuxuuna sidoo kale sheegay in xiriirka Soomaalidu uu awood u heli waayay in raajadaasi ay ciyaartooyda Soomaalida ka soo saaraan dalalka deriska.


Warning: count(): Parameter must be an array or an object that implements Countable in /home/vsabba/public_html/somaale.com/wp-content/themes/News/includes/single/post-tags.php on line 5
Share

About Author

Idaawaqaca

Idaawaqaca

Related Articles

0 Comments

No Comments Yet!

There are no comments at the moment, do you want to add one?

Write a comment

Write a Comment

SOMALI CARTOON BY AMIINARTS

SOMALI RADIO STATIONS

--------------------------BBC SOMALI--------------------------

BBC-Somali 07:00 BBC Somali 11:00

BBC Somali 04:00  BBC-Somali 06:00

--------------------------VOA SOMALI--------------------------

VOA-Subaxnimo

VOA-Galabnimo

VOA-Fiidnimo

Mogadishu

Hargaisa

SPEAK TO SOMALI CONFLICT