Something went wrong with the connection!

Somaale.com

Yusuf Garaad oo waraaqaha aqoonsiga ka gudoomay Danjiraha Ethiopia u fadhin doona Somalia

Yusuf Garaad oo waraaqaha aqoonsiga ka gudoomay Danjiraha Ethiopia u fadhin doona Somalia

Yusuf Garaad oo waraaqaha aqoonsiga ka gudoomay Danjiraha Ethiopia u fadhin doona Somalia
April 29
18:01 2017

Yusuf Garaad oo Ka Sheekeeynaya qaabkii ay u dhacday qaabilado waxa uuna yiri

Waxaan maanta nuqulka waraaqaha Aqoonsiga Danjirennimo uga guddoomay xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Jamaludin Mustafa Omar oo Dowladda Ethiopia ay u soo magacawday Danjiraha Ethiopia ee fadhigiisu uu yahay Muqdisho.

Danjiraha waxaan is weydaarsannay erayo kooban oo ku saabsan sii xoojinta xiriirka labada dal ee deriska ah Soomaaliya iyo Ethiopia. Waxaan si gooni ah isula soo qaadnay qodobbo ay ka mid yihiin deeq Waxbarasho oo ay Ethiopia siiso arday Soomaaliyeed.

Waxaan u rajeynayaa Danjire Jamaludin in uu noqdo mid wax wanaagsan ku soo kordhiya iskaashiga labada dal.

Fadhiga oo aan af Soomaali ku wadahadalnay waxaa goob joog ahaa Xoghayaha Joogtada, Agaasimaha Guud ee Habmaamuuska iyo Agaasimaha Waaxda Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda.

Share

About Author

Idaawaqaca

Idaawaqaca

Related Articles

SOMALI CARTOON BY AMIINARTS

SOMALI RADIO STATIONS

--------------------------BBC SOMALI--------------------------

BBC-Somali 07:00 BBC Somali 11:00

BBC Somali 04:00  BBC-Somali 06:00

--------------------------VOA SOMALI--------------------------

VOA-Subaxnimo

VOA-Galabnimo

VOA-Fiidnimo

Mogadishu

Hargaisa

SPEAK TO SOMALI CONFLICT