Something went wrong with the connection!

Somaale.com

Yuusuf Xaaji Wasiirka Gaashaandhiga Kenya oo si KMG ah loogu magacaabay xilka Wasiirka Amniga

Yuusuf Xaaji Wasiirka Gaashaandhiga Kenya oo si KMG ah loogu magacaabay xilka Wasiirka Amniga

June 19
22:55 2012

Madaxweynaha Kenya Mwai Kibaki ayaa xalay u magacaabay Wasiirka Gaashaandhiga Yuusuf Xaaji sii hayaha xilka Wasiirka Amniga iyo Arrimaha Gobolada, kadib markii uu todobaadkii hore uu geeriyooday Goerge Saitoti oo xilkaas hayay.

Yuusuf Xaaji ayaa xilkan si KMG ah u heynaya, iyadoo magacaabidiisa laga soo dhoweeyay dhulka Soomaalida ee Gobolka Waqooyi Bari, halkaas oo uu ka soo jeeda.

Wasiirka Gaashaandhiga Kenya Yuusuf Xaaji waxay aad isugu dhowaayeen wasiirkii geeriyooday, waxay isku mowqif ka ahaayeen howl galka Ciidamada Kenya ku galeen Koofurta Soomaaliya markii ay xadka ka tallaabeen Ciidanka Kenya.

Xilka Wasiirka Amniga Gudaha waxaa hoos imaanaya dhamaan Hey’adaha ammaanka, sida Booliska, Ciidamada dhar cadka, sirdoonka iyo Ciidamada amniga gudaha.

Yuusuf Xaaji ayaa noqonaya labo wasiir oo xil culus haya, gaar ahaan Wasiirada Gaashaandhiga iyo Amniga Qaranka iyo Maamulka Gobolada, sidoo kale waxay ka shaqeysaa Maamulka sideeda Gobolka ee dalka Kenya.

Waxaa uu ka soo jeedaa deegaanka Ijaara ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya, siyaasada Kenya wuxuu ku soo jiray 40-sano, isagoo la soo shaqeeyay saddexdii Madaxweyne ee soo maray Kenya sida Madaxweynayaashii Joma Kenyata, Daniel Arab-Moi iyo Mwai Kibaki oo ay hada isku xisbi yihiin.

Dadnaha ku nool Magaalada Gaarisa ee Gobolka Waqooyi Bari ayaa soo dhoweeyay xilka Wasiirka Amniga gudaha ee loo magacaabay, isagoo si aad ah uga soo shaqeeyay Gobolkaas oo uu maamule ka soo noqday isagoo 20-jir ah.

Share

About Author

Idaawaqaca

Idaawaqaca

Related Articles

0 Comments

No Comments Yet!

There are no comments at the moment, do you want to add one?

Write a comment

Write a Comment

SOMALI CARTOON BY AMIINARTS

SOMALI RADIO STATIONS

--------------------------BBC SOMALI--------------------------

BBC-Somali 07:00 BBC Somali 11:00

BBC Somali 04:00  BBC-Somali 06:00

--------------------------VOA SOMALI--------------------------

VOA-Subaxnimo

VOA-Galabnimo

VOA-Fiidnimo

Mogadishu

Hargaisa

SPEAK TO SOMALI CONFLICT